Wasiirada wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo mas’uuliyiin fara badan oo ka kala socoday GOS iyo Agaasimayaal dhanka Ciyaaraha iyo Shaqaalaha dowlada uu hor ka cayay Agaasimaha Guud mudane Aweys Sheekh Xaddad ayaa ka soo qeyb galay munaasabad dib loogu furayay Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho.
Dayactir balaaran oo lagu sameeyay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dib xariga waxaa uga jartay furitaankiisa Drs. Maryan Qaasim Axmed oo ah wasiirka wasaaradda adeega bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Aweys Sheekh Xadaad ayaa muujiyay wadashaqeynta GOS kala dhaxaysa wasaaradiisa wuxuuna xusay in ay ka wada shaqeeyeen sidii garoonkan loo dayactiri lahaa, isagoo dhankiisa ku ammaanay Hormuud Telcom sida xilkasnimada oo ay uga qeybqaateen howlaha lagu horumarinayo ishdexgalka bulshada Soomaaliyeed. Wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyay Wasiirada.
Wasiirda wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday in garoonku Furan yahay, sidoo kalena waxay mahadcelin balaaran u soo jeedisay GOS iyo Sharikadda Hormuud oo garoonka dib u dayactiray. Iyadoo dhinaca kale ka dhawaajisay inay xoojin doonto xiriirka ay la yeelanayso bahda Isboortiga – waxayna xustay in Isboortiga ka shaqeynayo isu keenidda bulshada.
dhinaca kale Wasiirada wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa booqday Guriga Shaqaalaha Dowlada oo ay dayactirtay AU iyo Wasaaradda oo iska kaashaday dib u dhiska Gurigaasi loogu talo galay sanadka soo socda 2013 in ay ka bilaabato waxbarasho (Training) dhammaan shaqaalada Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii , Furitaanka garoonka Ex-Lugino iyo Kormeerka Guriga Shaqaalaha Wuxuu ku soo idlaaday jawi farxad leh.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.