Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Barrow ayaa Maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii loo magacaabay xilkan isagoo dibada ugu maqnaa safar shaqo.
Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Jamaal Barrow ayaa garoonka diyaarada Aadan Cadde international Air port waxa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka uu hor kacayay Xildhibaan Cusmaan Libaax, oday dhaqameedyo uu ka mid ahaa Boqor Eng Faarax Cabdi Guure , Aqoonyahano Al Ustaad Cabdicaziis Shuute iyo Axmed Sadiiq iyo Haween ay hor ka ceysay Drs. Xaliima Cabdi Sheekh ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Magaaladda Muqdisho.
Mr. Barrow ayaa shir jaraa’id ku qabtay qolka VIP garoonka diyaaradaha waxuuna u mahad celiyay dhamaan ka soo qeybgalayaasha soo dhaweenta , isagoo kaga hadlay ujeedka safarkiisa iyo xilka loo magacaabay xili uu ku maqnaa Dibada.
“waxaan soo gaabiyay safarkii shaqo ee aan ku marayay wadamada qaar, kadib markii lay magacaabay xilkan adag ee wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya” sidaana waxaa sheegay Mudane Jamaal Maxamed Barrow.
Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in wasaaradu ay waddo watashiyo ay ku dooneyso sidii ay dib ugu howlgelin laheyd safaaradihii ay Soomaaliya ku laheyd wadamada caalamka, isagoo xusay in loo yeeray dhamaan Safiirada Safaaradaha dibadda.
Isbuucii hore 12/12/2012 ayaa Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaa uu dhamaystiray xukuuumadiisa, waxaana wasiiradii la soo xulay ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Barrow.
Dhinaca kale Shabakada www.Jiinwabi.net waxaa soo gaarayay hambalo iyo bogaadin Caalamka looga soo dirayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Barrow. waxayna u qorney sidan Hoos ku qoran .
ASSALAMU CALEYKUM WA RAXMATULLAHI WA BARAKAATUHU
RASHIID WAAN KU SALAAMAY SALAAN KADIB WAXAAN KAA CODSANEYNAA IN AAD SALAANTEENNA U GUDBISSID WALAAL JAMAAL MAXAMAD BAAROOW OO LOO MAGACAABAY WASIIR KU XIGEENKA EE WASAARADDA ARRIMAHA DIBBADDA;-
WAXAAN HALKAAN UGU SOO DIREYNAA HAMBALYO IY DUCO AAN LEENAHAY ALLAHA KUGU GUULEEYO XILKAAN LAGUU MAGACABAY ALLAHNA KULA GALAB GALO GUDASHADIISA.
DADKA HAMBAYYADA U SOO DIROOYO WAXAY KALA YIHIIN:-
1. Drs. Dowlay Ahmed Mohamed(Hargaanti)
2. Eng. Abdiraxmaan Ahmed Mohamed (hargaanti)
3. Drs. Faduma Omar Noor
4. Eng. Mohamed Yusuf Ahmed
5. Amina Maxamuud Hintiroow
6. Farxiya Hirabe Ibraahim
7. Yaasiin Hiraabe Ibrahim
8. Naadiya Abdiraxmaan Ahmed
9. Najma Abdiraxmaan Ahmed
10 Nasteexo Cabdiraxmaan Ahmed
11 Nuur Jeylaani Nuur
12 Dhimow Cusmaan Ahmed
13 Amina Nuur jeylaani
14 Jabriil Nuur Jeylaani
oo dhammaan ugu soo hambalyeynaayaan carriga Mareykanka USA.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.