MIISAANIYADDA SANADKA 2013-DA AYAA MAANTA LOO QEYBIYAY MUDANEYAASHA BAARLAMANKA SOOMAALIYA

jiinka December 18, 2012 Comments Off
MIISAANIYADDA SANADKA 2013-DA AYAA MAANTA LOO QEYBIYAY MUDANEYAASHA BAARLAMANKA SOOMAALIYA

Kulankan ay maanta mudanayaasha baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho.

Ayaa waxaa shir gudoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Waxaana soo xaadiray 170 mudane iyadoo ajandaha maanta uu ahaa in wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya uu baarlamaanka horkeeno miisaaniyad sanadeedka 2013.

 

FuritaankiI guddoonka shirka baarlamaanka ee maanta kadib waxaa xildhibaanada Qaranka loo qeybiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2013 oo qoraal ah.

Qeybinta kadibna waxaa khudbad ka jeediyay kulanka baarlamaanka ee maanta wasiirka wasaaradda maaliyada iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleebaan.

 

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaanada ay soo aqristaan nuqulada loo qeybiyay si ay ra’yigooda uga dhiibtaan isla markaana wax loogu daro ama laga dhimo.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa soo xiray kulankii maanta ay yeesheen baarlamanka Soomaaliya.

Isagoona tilmaamay in xildhibaanada ay haystaan mudo Seddax maalin ah oo ay ku soo aqrisankaraan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.