Xiliga Ciidamada AMISOM Ay Dalka Ka Baxayaan Oo Shaacisay Dowlada Soomaaliya

jiinka December 18, 2012 Comments Off
Xiliga Ciidamada AMISOM Ay Dalka Ka Baxayaan Oo Shaacisay Dowlada Soomaaliya

Ciidamada AMISOM iyo xilliga ay ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku laabanayaan dalkooda iyo sida ay ciidamada dowladda Soomaaliya diyaarka ugu yihiin inay hantaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaadhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay dalalkooda ku kala laaban doonaan.
Wuxuuna sheegay inay ka maarmi-doonaan ciidanka AMISOM marka la dhiso ciidan xoogan oo Soomaali ah.

La iskuna haleyn karo inuu hanto ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

 

Haatanna ay wasaaraddiisu waddo qorshe ay dib ugu habeynayso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee hadda ay heystaan sida uu yiri taageero balaaran oo uu sheegay inay uga imaaneyso dhinaca shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna intaasi ku daray in ka dowlad ahaan ay uga mahadcelinayaan taageerada hagar la’aaneed ee ay siiyeen dowladda Soomaaliya.

Wasiirku wuxuuna intaasi ku daray inay dedaal dheeri ah ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Isla markaasna loo dhameeyo dhammaan qalabkooda sida uu sheegay si ay u hantaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.