Maamulka Gobalka Sh/hoose Ayaa Ka War Bixiyey In Ciidamo Hor Leh Kana Tirsan Amisom Oo La Geeyay BuuFoow & Shalambood

jiinka December 18, 2012 Comments Off

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ciidankaasi loo geeyay deegaanadaasi ay tahay sidii looga hortagi lahaa Shabaab.

Wuxuu sheegay in deegaanada Buufoow iyo Shalaambood la geeyay ciidamo AMISOM oo aad u xoogan islamarkaana ka qeyb qaadanaya sugidda dhanka ammaanka.

 

Sido kale wuxuu sheegay inay tahay in ciidamada Shabaab weerarada ay Buufoow ka soo qaadayaan laga hortago si aysan u carqaladeyn ammaanka deeganadaasi.

 

Deeganada iminka la geeyay ciidamada xooga badan ee AMISOM ayaa waxaa dhowr jeer wadada loogu galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii afhayeenka AMISOM uu sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM deegaanka Buufoow ay fariisimo ka dhigan doonaan si loo hakiyo Shabaabka weerarka soo qaadaya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.