Waxaa inta uu kulanka Baarlamanka uu socday warbixin looga dhagaystay Gudi farsamo oo ka koobnaa Shan xubnood oo loo saaray dib u habaynta Baarlamanka.
Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 34 aad ee kalfadhiga koowaad ayaa ka dooday Ajande ku saabsan dib u habaynta Baarlamanka.
Xubnahan ayaa waxaa ay Baarlamanka soo hor dhigeen 15 gudi oo uu yeesho Baarlamanka Soomaaliya.
Kulanka Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 158 xildhibaan waxaan Cod loo qaaday qorshaha cusub oo ay taageereen 156,waxaa ka soo horjeestay hal midka kalena waa uu ka aamusay.
Sidaa daraadeed Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari ayaa ku dhawaaqay inay ansax tahay codaynta.
Gudiyada ay soo jeediyeen in barlamanku yeesho ayaa waxa ay kala yihiin.
1-Gudiga xeer hoosadka anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada
2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka
3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta
4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka
5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta
6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda
7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga
8-Gudiga difaaca Qaranka
9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada
10-Gudiga Caafimaadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga
11-Gudiga horumarinta reer miiga xoolaha iyo beeraha
12-Gudiga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka
13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta
14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo tamarta
15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmial.com
Comments are closed.