Abaalmarintan ayaa lagu siiyey wariye C/raxmaan Xudeyfi Barnaamijyadii uu sanadkii hore ka diyaariyey ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga deeqda waxbarasho ka helay.
Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ka dib xaflad ay soo agaasimeen hay’adaha waxbarashada jaamacadaha iyo iskuulada Dalka Turkiga.
Wariye C/raxmaan Maxamed Xasan {Xudeyfi} ayaa isagana muujiyey dareenkiisa farxadeed.
Sidoo kale in uu aaminsan yahay howsha uu qabtay in ay aheyd howl waajib qaran maadaama ardaydan ay yihiin ubaxa maanta iyo hogaamiyahaasha berito.
Isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey madaxa Safaarada Soomaaliya ee dalka turkiga oo ku saaciday dhamaan howlahaasi.
Dhanka kale madaxdii xaflada soo xaadirtay ay aad u amaaneen sidii uu u diyaariyey iyo dadaalkii uu galiyey barnaamijyadaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.