Kooxda MAKAROONA Oo Koobkii MOWLIID MACAANI Ka Fara Maroojisatay Kooxda BARQASH STARS.

jiinka December 15, 2012 Comments Off
Kooxda MAKAROONA Oo Koobkii MOWLIID MACAANI Ka Fara Maroojisatay Kooxda BARQASH STARS.

Cayaaryahanada Kooxda MAKAROONA ayaa xalay la hoyday koobka MOWLIID MACAANI, kadib markii cayaar xiiso badan oo ka dhacay garoonka ALTARAJI ee magaalada JEDDAH kaga badiyeen ciyaartoydii BARQASH STARS,

Cayaartaas oo ahayd tii kama dambeyska u ahayd laguna soo afjarayey tartankii koobka Marxuum MOWLIID MACAANI ee sida darandooriga ah uga socday magaalada Jeddah, iyadoo ay wada ciyaareen kooxaha Makaroona Vs Barqash.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday garoonka iyadoo ay kasoo qeyb galeen ciyaartii Finalka shaqsiyaad Isboorti oo ka tirsan xiriirada kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Jeddah, iyo qaar katirsan gudiga Wacyigelinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah.

Cayaaryahanada naadiga Makaroona ayaa la hoyday koobka MOWLIID MACAANI ee ka socday xaafadda Caneykish ee magaalada Jeddah, kadib markii ay rigoorooyin ku quusiyeen xidigaha Barqash.

Makaroona oo ay dad badan filayeen in aaney hor istaagi karin Barqash Stars ayaa inta badan ku gacan sareysay cayaartii kama dambeysta ee tartanka koobka halyey MOWLIID MACAANI.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa fursad dahabiya ka khasaariyay kooxda Barqash laacibkookada weyn ee sitay nambarka 8, kadib markii uu dhinac mariyay kubadd isaga iyo goolhayaha Makaroona ay ku keli noqdeen daqiiqadii 90-aad ee cayaarta, taasi oo uu xusuusan doono weligii.

 

Cayaartan oo aad u kululeyd ayaa waxa ay kusoo idlaatay 0 : 0 xilligii loogu talagalay cayaarta. Nasiino yar kadib ayaa koox waliba waxa ay soo safatay ragii u tuuri lahaa rigoorooyinka kala baxa waxaana ay Barqash iska khasaarisay 2 kamida rigoorayaashoodii.

Gebagebadii waxaa looga adkaaday Barqash Stars 5 : 3 oo ay koobka kula hoydeen laacibiinta reer MAKAROONA oo runtii ku gacan sareeyay labada gelin, ayna iska lumiyeen fursado badan oo goolal ahaa.

Man of the Match.

 

Runtii waxaa xusid mudan Goolhayaha naadiga BARQASH STARS Mr. Cabdulqaadir oo ahaa xidigii Cayaarta shalay dhacday, isagoo ka badbaadiyay kooxdiisa tobaneeyo goolal ahaa intii ay ciyaarta socotay, haseyeeshe waxaa diiday nasiibkii rigoorayaasha. waxaanu lee nahay HAMBALYO dadaalka dheeriga ah ee aad muujisay.

 

 

 

 

 

Mohamoud Sheik Abdulkadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.