Wafdi ka kooban Afar xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha guud Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Md. Muxudiin Maxamed Kaalmooy iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa barqadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port iyagoo ku sii jeeda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Wasiirka Howlaha Guud Dr. Kaalmooy oo kahor intii aanu dhoofin shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa u sheegay in isaga iyo wafdigiisu ay ka qeyb gelayaan shirkii 29-aad ee Wasiirada Dib u dhiska dalalka Carabta oo magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ka furmaya 18 ilaa 20-ka bishaan.
Waxa uu sheegay Wasiir Kaalmooy in Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Carabta gaar ahaan ururka Jaamacadda Carabta uu uga qeyb gelayo shirkaas dalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay ku kulmayaan Wasiirada dib u dhiska dalalka Carabta, shirkaas ayuu sheegay Wasiirku in looga hadlayo dib u dhiska wadamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta.
Qodobada ugu weyn ee diirada lagu saarayo shirkaasi uu yahay sidii dib loogu soo dhisi lahaa wadamadii ku burburay qalalaasaha ka jira dalalka Carabta qaarkood oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo in dib loo soo nooleeyo adeegyadii lagama maarmaanka u ah bulshada dalalkaasi.
Wasiirka ayaa wuxuu intaasi ku daray in isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay shirkaasi hor dhigayaan qodobo muhiim ah oo ku aadan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii wadamada Carabta ay gacan uga geysan lahaayeen in dalka Soomaaliya dib loo dhiso, taasoo 22-sano uu ka jiray burbur iyo barakac, wuxuuna shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Soomaaliya maadaama ay ka baxday KMG-nimadii una gudubtay Dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah ay shirkaasi ka fileyso in indhaha wadamada Carabta ay u soo jeestaan in wax loo qabto.
Wafdiga Wasiirka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradaas Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) iyo Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaradaasi.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.