Wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho waxaa halkaasi ka dhacay qarax xoogan.
Xilliga qaraxa uu dhacayana wadada ay marayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al Mikarrama Gaar ahaan agagaaraha Guriga Shaqaalaha kaas oo lala eegtay Gawaari Ciidanka Midowga Afrika ay leeyihiin oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Khasaaro kala duwan ayaa lasoo sheegayaa inuu jiro inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxaasi ismiidaaminta ah.
Ciidamada Qaraxa lala damacsanaa ayaa ka tirsan Ciidanka Booliska AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Goobta ayaa qaraxa ka dib waxaa isku geedaamay Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaanna ka wada Goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ciidamada Booliiska ayaa durba goobta soo gaaray kuwaasi oo halkaasi xiray islamarkaana ciidamada ay baarayaan wadaad,halka gadiidka Ambulaska ay daad gureynayaan dhaawaca iyo dadka ku dhintay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.