Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Dekadda Muqdisho

jiinka December 9, 2012 Comments Off
Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Dekadda Muqdisho

Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradaasi ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah shaqaalaha dekkada Muqdish.

 

Wasiirka Howlaha guud dekkadaha iyo gaadiidka oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyo ayaa maanta kulan kula qaatay dekkada Muqdisho qaar ka mid ah shaqaalaha isagoona ku dhiira galiyay in ay si wanaagsan u gutaan waajibkooda.

 

Mudane Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dekkadaha oo ka hadlay gaba gabadii kulanka uu la qaatay qaar ka mid ah shaqaalaha dekkada Muqdisho.

 

Wasiirka ayaa hadalkiisii ku sii daray in waajib buuxa uu ka saaranyahay qof walba inuu hor mariyo dhaqaalaha dalkiisa taasina ay tahay sababta keentay in lagu kormeero shaqaalaha dekkada howsha ay dadka u hayaan.

 

Xubno ka tirsan shaqaalaha dekada ayuu maanta kulan la qaatay wasiirka dekkada gaadiidka iyo howlaha guud ee dalka Mudane Maxiyadiin Maxamed Kaalmoy u jeedadiisuna ay aheyd inuu kormeero shaqaalaha waxa ay haayaan kuna dhiiri galiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.