Gobolka Sh/Dhexe ee Degmada Jowhar ayaa gudaha u galeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Amisom.
Sido kale waxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sii gudbeen isbitaalka degmada Jowhar oo ku yaala afaafka hore ee Jowhar laka galo.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ridaya rasaas fudfudud dhawaqa rasaasta oo ay maqlayaan shacabka Degmada Jowhar.
Haatan Xaalada Degmada Jowhar ayaa waxay tahay mid kacsan iyadoo ciidamada Al-Shabaab ay isag baxeen guud ahaan Magaalada.
Shacabka Degmada Jowhar ayaa waxa ay ku yaaceen xafiisyadii Al-Shabaab ku lahaayeen Degmadaasi.
Ciidamada Al- Shabaab oo ka baxay Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay aadeen dhanka Magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan halkaasi oo ay joogaan ciidamo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.