Xalay bam gacmeed lagu tuuray Shaneemada ayaa waxaa ku geeriyooday Hal qof Sadex kalana way ku dhaawacmeen.
Shaneemadan bamka lagu tuuray oo lagu magacaabo Shaneemo Muqdisho ayaa xilligaasi waxaa ku sugnaa dhalinyaro aad u fara badan.
Degmada wadajir inta aan weerarka lagu qaadin shaneemada ayaa waxaa jiray cayaaraha kubada cagta oo ka dhaxeysay horyaalka wadanka Spain oo daqiiqado ka dib halkaasi ka bilaabanaysay.
Qarax Bam gacmeedka ayaa qabsaday afaafka hore ee Shaneemada oo ay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah.
Waxaana mar keliya laga war helay dhawaaqa bam-gacmeedka.
Iyadoo qiiq iyo uuro badana uu cirka isku shareeriyay isla markaasna ay qeylo iyo sawaxan ay goobtu isu bedeshay.
Qofka geeriyooday ayaa ah wiil dhalinyaro da’diisu ay tahay 13-sano jir kana tirsanaa dhalinta ka shaqaysata qaadka loo yaqaano garaabada isla markaasi ku sugnaa shaneemada horteeda.
kuwa dhaawacmay ayaa u soo aaday inay daawadaan ciyaaraha.
Goobta shilku ka dhacay ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya ee ku sugan degmada Wadajir.
Waxana ay gurmad u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo ay u daabuleen goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa dhinaca kale halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan ciddii ka dambeysay qaraxaasi majirto cid ay qaraxaasi ku soo qab qabteen.
Sidoo kalena lama oga sababta ka dambeysa in shaneemadaasi la weeraro mana jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay weerarkaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmial.com
Comments are closed.