XILDHIBAANO UU HORKACAYAY WASIIRU DOWLAHII CAAFIMAADAKA DKMG OO LA SOCDA DIYAARAD SHACAB AH AYAA GAARAY MAGAALADA BELADWEYNE

xeydar December 8, 2012 Comments Off
XILDHIBAANO UU HORKACAYAY WASIIRU DOWLAHII CAAFIMAADAKA DKMG OO LA SOCDA DIYAARAD SHACAB AH AYAA GAARAY MAGAALADA BELADWEYNE

Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi Xildhibaano ah kuwaasi oo halkaasi u tagay ukuurgelida xaaladda Gobalkaasi, tasciiyadii Nabadoonkiid goor dhaweed lagu dilay Baladweyne iyo xaalada ciidamada Jabouti  waxa ay ku soo kordhiyeen Gobolka Hiiraan.

 

 

Xildhibaanadaan oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo socdaalkooda ku tagay xarunta Gobalka Hiiraan ee Beladweyne.

 

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya

 

Xildhibaanada ayaa waxa ay la socdeen diyaarad shacab ah oo markii ugu horeysay maanta ka dagatay Magaalada Beladweyne tan iyo sanado kadib.

Tirada Xildhibaanada  uu horkacayay wasiiru dowlahii caafimaadaka DKMG xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud  ayaa  gaarayay ilaa afar Xildhibaan kuwaasi oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan.

 

Wasiirul dowlahii hore caafimaadka Maxamed Cumar  ayaa qadka Telfoonka ugu xaqiijiyay maamulka  shabakada Jiinwabi.net ujeeddada socdaalkooda markay gaareen magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan

 

Waa markii ugu horeysay ee Magaalada Beladweyne ay ka dagato diyaarad shacab ah sanadooyin kadib.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

 

Comments are closed.