DOWLADDA OO IS HOR’ISTAAG KU SAMEYSAY SHIR QR KU YEELAN LAHEYD MUQDISHO

xeydar December 8, 2012 Comments Off
DOWLADDA OO IS HOR’ISTAAG KU SAMEYSAY SHIR QR KU YEELAN LAHEYD MUQDISHO

War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la socon waxbana ka ogeyn abaabulka iyo Ajandaha Shirk ay qabanqaabineyso Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo kaashaneysa NGOs.

 

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

 

Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.

 

Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR), iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura.

 

Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.