QARAX KHASAARE GEESTAY OO SUUQA BAKAARAHA KA DHACAY

xeydar December 6, 2012 Comments Off
QARAX KHASAARE GEESTAY OO SUUQA BAKAARAHA KA DHACAY

 

Sida ay inoo shegeen qaar kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii halkaasi ka dhacay qarax khasaare geestay.
Qarax oo ahaa bambada nooca gacanta lagu tuuro ayaa la sheegay in lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xilli ay ay marayeen suuqa dahablaha ee Bakaaraha.

Inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxaasi ama ku dhaawacmay ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib waxa ay fureen rasaas xoogan oo aysan jirin cid khasaaro kasoo gaartay.

Gaadiidka Ambulance ayaa goobta ka bilaabay daad gureynta dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay qaraxaasi iyadoo ciidamada ay qab qabteen dad ay la xiriirinayaan qaraxaasi.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa la kulma qaraxyada caynkan oo kale ah oo ay tuuraan dhalinyaro kuwaasi oo durba meesha ka baxsada marka ay tuuraan qaraxa.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.