Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül ayaa sheegay in iminka ay xooga saarayaan sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidamo karti iyo dadaal u leh xaqiijinta ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya marka laga soo tago gacansiinta ciidamo shisheeye.
Abdullah Gül Madaxweynaha dowlada Turkiga ayaa ballan qaaday in ciidamada Soomaaliya u fidin doonaan tababar caalami ah oo lagui dhisayo maskaxdooda si ay wood ugu yeelato in guud ahaan dalka Soomaaliya oo haatan u baahan ciidamo Soomaaliyeed oo xaqiijiya ammaanka.
Turkiga waxa uu daneynayaa danaha shacabka iyo dalka Soomaaliya waxaana beesha caalamka u sheegeynaa inay nagu gacansiiyaan sidii Soomaaliya aan u taageeri laheyn waana maanta Soomaaliya maalintii ay gacanta ay u baahneynd ayuu yiri Mr Gül.
Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe uu ku doonayo ciidamo Soomaaliyeed tababar loogu qaado dalkaasi Turkiga si ay halkaasi ugu soo qaataan tababar bilooyin qaadanaya,isagoona sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka garab taagan yihiin dhinac walbo hadii ay noqon lahayd mashaariicda kala duwan ee xaga Bini-aadanimada iyo xaga ciidamada sidii loo tayeyn lahaa.
Waxa uuna hada sheegay maadaama loo baahan yahay in la xaqiijiyo ammaanka dalka Soomaaliya in la helo ciidamo tababar fiican leh,si taasi loo helo waxa uu balan qaaday Madaxweynaha Turkiga in dhabarka ay u xiranayaan Soomaaliya afarta sano ee soo socoto ay hesho dowlada buuxda oo dalka nabad ku soo dabaasha.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.