Maanta waxaa kulan wada yeeshay Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiinta Dowlada Turkiga iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada dowladood.
Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu soo dhaweeyay dalka turkiga.
Kulankan oo maanta dhaxmaray labada madaxweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowlahada Soomaaliya iyo Turkiga waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxda labada dal ayaa maanta waxaa ay kala saxiixan doonaan heshiiska Arimo badan oo ay kamid tahay adkaynta Xiriirka labada dal.
Waxaa kale oo lagu fala qeyn doonaa siyaasadaha labada dal iyadoo madaxwaynaha iyo wafdigiisa maalmo ay joogi doonaan dalkaasi Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa doonaysa inay wax la qeybsato lana jaan qaado Dowlada cusub Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdala Guul ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladda Turkiga ay wadeyso taageerada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.