Weerar Lagu Dili Rabey Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Amisom Fishilisey…

jiinka December 5, 2012 Comments Off
Weerar Lagu Dili Rabey Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Amisom Fishilisey…

Taliye Sare ee Ciidamada Amisom ayaa ka waramay weerar maalin kahor lagu dili lahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya.

 

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay isku dayeen isniinti lasoo dhaafay inay weerar miino ah ku dilaan wasiirka oo maray deegaanka Bufow oo ku dhow Magaalada Marka basle ay ka hortageyn isku daygaasi.

 

Sidoo kale Taliyaha ee Ciidanka Amisom ayaa ku til maamay in weerarkaasi uu noqday mid markaa Fashilmay ayna iska caabiyeen weerarka gaadmada ahaa iyaga iyo Ciidamada Soomaaliya oo ilaalo ka ahaa Kolanyada uu la socday Wasiirka Arimaha Dudaha ee dowlada Soomaaliya.

 
Waxa uuna shaaca ka qaaday in Amniga iyo nabad galiyada shacabka uu yahay Ahmiyadooda kowaad halkaasi oo dhowr jeer lagu weeraray madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Haatana ay dar-dar galindoonaan sugida amaanka wadada udhaxaysa Muqdisho iyo Marko

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.