WAR DEG DEG AH QARAX & DAGAAL KA DHACAY INTA U DHAXAYSA GALGALA & BOOSAASO

jiinka December 5, 2012 Comments Off
WAR DEG DEG AH QARAX & DAGAAL KA DHACAY INTA U DHAXAYSA GALGALA & BOOSAASO

Inta u dhaxeysa Galgala iyo Boosaaso ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax qasaara gaystay qaraxa ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka puntland iyo ciidamada ku jira buuraha galgala ee ku biiray AL-shaab.

 

Sidoo kale Ciidan uu watay sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii Cadde Muuse oo goobta gurmad ahaan u gaaray ayaa waxaa la sheegay in gaari Ciidankiisa ay wateen la kacday minada nooca dhulka lagu aaso.

 

Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 8 ciidankaasi ka mid ahaa halka qaarna ay ku geeriyoodeen halkaasi.

 
Wasiirka amniga maamulka puntland Ee Magaalada Boosaaso ee G/Bari ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi isalmarkaana ciidamada amaanka ay talaabo ka qaadayaan.

Wararka kale ee qaraxaani qasaaraha geystay ayaa waxaa loo malaynayaa inay geysteen Al-shabaabka ku qul qulaya puntland.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.