Shir ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayey Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, miisaaniyadda sanadka 2013-ka iyo hantida safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka.
Golaha wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyay qaadidda isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, oo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta, taas oo sababtay inay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalkuba.
Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa golaha u soo gudbiyey miisaaniyadda sanadka 2013-ka, taas oo aad uga badan miisaaniyaddii ka horeysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012-ka, wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dowladda, markii la isla eegay waxay golaha wasiiradu ku ansixiyeen miisaaniyadda cod aqlabiyad ah, iyadoo la horgeyn doonaa Golaha Baarlamaanka.
Waxa kale oo golaha wasiirradu isku raaceen in la joojiyo lacagaha qaababka kala duwan loogu qaado dekadda magaalada Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggolyahay ay tahay in dekadda dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay cashuurta dowladda Dhexe ay qaado, wax kale oo intaasi ka bandanna aan la ogoleyn.
Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay magaalooyinka Roma iyo New York ee dalalka Mareykanka iyo Talayaaniga, iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyay dhismayaasha safaaradahaasi, dooddii golaha ka dib waxa la go’aamiyey in la magacaabo Guddi Wasiiro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi, waxaana guddiga hogaamin doona Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda cusub siyaasadeedutahay inay adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaasi, wuxuuna amaan u jeediyay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.