Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka warbixiyay Safarkii Madaxwaynaha soomaaliya uu ugu ambabaxay dalka Turkiga.
Jawaari oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa tilmaamay in socdaalka wafdiga Madaxwaynaha ay tahay sidii dowlada Turkiga uu kala shiri lahaa soo noolaynta xiriirkii qotada dheeraa ee u dhaxeeyay labada dowladood.
Wuxuu hadalkiisa intaa ku daray Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arimaha siyaasada labada dal iyo sidiii loo muujin lahaa xiriirka Saaxibtimo iyo waalaalnimo ee Turkiga iyo dowlada Soomaaliya u dhaxeeya.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ay maalmo ku maqnaan doonaan dalka Turkiga.
Safarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu madaxwaynaha Soomaaliya uu ku aado dalka Turkiga tan iyo markii uu ku fariistay kursiga hogaanka dalka.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.