Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa la socday wasiirka arimaha dibada,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saxaafada kula hadlay wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji.
Waxa ay sheegtay in ujeedka socodkooda uu yahay kadib markii casuumaad rasmi ah ay ka heleen dalka Turkiga halkaasina madax kala duwan oo Turki ah ay kula soo kulmayaan.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu uduulo dalka turkiga tan iyo markii lasoo doortay.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.