Munaasabad Lagu Dhaariyay Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Oo Muqdisho Ka dhacday iyo Magacyada xildhibaanada cusub ee Beelaha Jareerweyne.
Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga dhacday Munaasabad lagu dhaarinayay Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka uu dalku yeelanayo.
Xildhibaannada loo dhaariyay xubinnimada Baaralamaanka Soomaaliya ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa 211 Xildhibaan.
Ka dib Dhaarinta xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka oo Airpor-ka Muqdisho lagu qabtay ayey Shabakada Jiinwabi.net uu ka wareystay mid ka mid ah Xildhibaanada Beelaha Jareerweyne ee maanta loo dhaariyay Baarlamaanka Cusub.
JWN:- Mudane xildhibaan sidee u aregtaa in aad mar labbaad ka mid noqoto xildhibaanada cusub ?
JAWAABTA:- ”anigoo ah xildhibaan Maxamed Cumar Maxamud aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in ay Beesheyda ii soo doorato xildhibaanimadan, sida aad ogtahay waxaa ka mid ahaa xildhibaanadii hore Cabdi Qazim,Carta, Kenya iyo Jibouti, aniga maaheyn qof meel iska fadhiya oo aan wax soo saar la heyn ee waxaan ahay shaqsi ku sifooway shaqo iyo howlkar nimo u daacad ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed taasina waxay ii sahashay in aan ku soo laab laabto Baarlamaanadii hore ee KMG”.
“sidoo kale waxaan ka mid noqday golaha wasiirada xukuumada Badbaado ee Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas waxaana rajeynayaa in aan wax weyn ku soo kordhiyo dalka maadaama aynu ka baxeyno ku meel gaarnimada dalka ku habsatay “.
JWN:-Mudane Xildhibaan Beesha aad ka soo jeedo ee Jareerweyne imisaa xildhibaan ayaa maanta loo dhaariyay? Magacyadoodana ma ii sheegi ka reysaa adiga oo ka raali ah?
Jawaabta :- ” waxaan ka mid nahay beelaha Shanaad, marka saami qeybsiga waa Bar ama Nus sida la wada og yahay Beelaha Jareerweyne waxay yeesheen 7 xildhibaan oo kamid noqoneysa Baarlamaanka cusub waxaana maanta la dhaariyay 6 Xildhibaan, hal xubin uu ka qaldamay magaca Card-ka dib ayaa loo dhiga Dhaarintiisa”.
Xildhibaanada u dhaartay Baarlamaanka cusub ee Jareerweyne waxaa ka mid ah
No |
Magacyada |
Deegaanka |
Qabiilka |
1 |
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa | Shabelada Hoose | Hintire |
2 |
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamud | Hiiraan | Makane |
3 |
Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy | Shabelada Dhxex | Shiidle |
4 |
Xildhibaanad Maryan Aweys Jamac | Jubooyinka | Mashunguli |
5 |
Xildhibaan Xusseen Maxamud Muuse ( Bantu) | Jubooyinka | Mashunguli |
6 |
Xildhibaan Cabdulaahi Colaad Rooble | Banaadir | Reer Shabeelle |
7 |
Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Xuseen | Shabelada Dhexe | Shiidle |
Xildhibaanka ayaa intaasi raaciyay in ay u wada shaqeyn doonaa xildhibaanad jareerweyne si isku xirnaasho badan maadaama ay Afar ka mid ah ay hore u soo noqdeen xildhibaano Saddexna ay ku cusubtahay shaqada xildhibaanimo.
Munaasabadda lagu dhaariyay Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed,Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.