Wafdi isugu jiray wasiiro, Xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay markale ka badbaaday isku day dil ka dib markii shalay markale lagu weeraray inta u dhaxeysa degmooyinka Marka iyo Shalaanbood ee gobolka Shabeelada Hoose, weerarkaasi oo yimid xilli ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay inta u dhexaysa deegaanka Shalaanbood iyo degmada Marka, wuxuuna xaqiijiyey Guddoomiyuhu in loo sheegay in afar askari oo ilaalo u aheyd taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya ay si xun ugu dhaawacmeen qarax lala eegtay gaari ay wateen, kuwaas oo uu sheegay inuusan kala ogeyn inay dhinteeen iyo in kale.
“Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ilaalada taliyaha booliiska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye ayaa markii hore qarax lala eegtay, waxaana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray afar ka mid ah askartii saarneyd, markaas ka dibna waxaa xigay dagaal socday muddo daqiiqado ah, weerarkan lagu qaaday wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee lagu qaado wafdiga, waana weerarkii ugu cuslaa ee muddooyinka ka dhaca gobolka Sh/hoose” ayuu yiri Guddoomiye Siidii.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa lala beegasday gaariga ay wateen ciidamada dowladda iyo dagaalkii xigay, balse saraakiil u hadlay dowladda ayaa sheegay in khasaare ay ku gaarsiiyeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday sida ay yiraahdeen, waxayna xuseen in dhinacoodana uu soo gaaray khasaare dhaawac ah iyo burbur hantiyeed, iyagoo sheegay in khasaaraha soo gaaray uusan aheyn mid weyn.
Sidoo kale Guddoomiyaha Shabeelada hoose wuxuu sheegay inuu jiray weerar kale oo lagu qaaday wafdiga xilligii ay ku sii socdeen magaalada Marka, wuxuuna xusay inay dib u soo noolaadeen xoogaggii Al-shabaab ee laga saaray degmada Marka iyo kuwa ku dhowdhow, isagoo sheegay Guddoomiyaha in haatan xaaladda gobolka Sh/hoose ay u muuqato mid faraha ka sii baxeysa, isla markaasna ciidanka dowladda aysan isku gudbi-karin wadooyinka qaar.
Si kasta oo ay ahaataba saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka iyo qaraxa lagu qaaday wafdiga uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaana dagaalkan uu noqonayaa midkii labaad oo ay ku qaadaan wafdiga ka socday dowladda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta, taliyaha booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.