Munaasabad lagu xusayay maalinta naafada Aduunka oo lagu qabtay Muqdisho

xeydar December 3, 2012 Comments Off
Munaasabad lagu xusayay maalinta naafada Aduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada laguna xusayay maalinta naafadda adduunka ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan lagu xusayay maalinta naafadda adduunka oo siyaabo kala duwan loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aheyd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna xusayay maalinta naafadda adduunka.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Naafada Gobalka Banaadir kaasi oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dayacday naafada Soomaaliyeed islamarkaana ay iska ilaaween daryeelka Naafada.

Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Adeega iyo horumarinta Bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Aweys Sheekh Xaddad waxuu ku dheeraaday taariiqda Naafada Soomaaliyeed mudada uu xilka wasaaradda u hayay waxuuna sheegay in uu ku guuleystay waxa yaabo aad u badan oo dhanka Naafada ah.
” waxaan ku guuleysanay mideeynta Naafada oo aan hal dalad u sameeyay, faro kama qodna oo waxaan doonayaa in ay Gobolada haatan la xureeyay ay yeeshaan isku duwayaal ku xiray wasaaradda iyo dalada ay ku mideysan yihiin Naafada Qaranka Soomaaliyeed”.sidaana waxaa yiri Agaasimaha Guud Aweys Sheekh Xadad.
Agaasimaha Wasaarada Dekadaha cirka iyo dhulka Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha caalamka looga baahan yahay inay ku dadaalaan daryeelka Naafada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka C/laahi Maxamed Jimcaale oo soo xaadiray goobta lagu qabanayay munaasabada xuska maalinta Naafada Aduunka.

Haddalka Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka C/laahi Maxamed Jimcaale ayaa waxa uu ku soo aadayaa Xilli loo qeybiyay raashiin dad aad u faro badan oo Naafo ah, wuxuuna Hey’aadaha sama falka ah ugu Baaqay in ay Gar-Gaar Gaarsiiyaan Naafada Soomaalida.

 

Dhanka kale Munaasabadan lagu xusayay maalinta naafadda Adduunka ayaa lagu qabtay Jaamacadda Hindia Ocition ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madax ka socotay hay’adda Bisha cas, Naafo, iyo ururada u dhaq dhaqaaqo naafada Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye ku xigeenka Macadka naafada Soomaaliya oo hadal ka jeediyay goobta ay ka socotay munaasabada ayaa sheegay in dadka naafada ah ay u baahan yihiin in la gargaaro madaama ay yihiin kuwo aanan awoodin in ay wax qabsadaan, waxa uuna ugu baaqay dowladda iyo shacabka in ay il gaar ah ku eegaan dadkaasi.

 

Sidoo kale madaxa hay’adda Bisha cas ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Caseyr oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in hayadooda ay dadka naafada ah ay caawin doonto maadama ay yihiin kuwa aan awoodin in ay shaqeystaan.
Maanta oo kale 3-da Decembar ayaa caalamka waxaa laga xusaa maalinta naafada Aduunka,hasa yeeshee naafada Soomaaliyeed ayaan helin wax daryeel ah.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.