3-da December Xusuuso Qaraxii lala beegsaday Ardaydii qalin jabineysay Hotal Shaamo

xeydar December 3, 2012 Comments Off
3-da December Xusuuso Qaraxii lala beegsaday Ardaydii qalin jabineysay Hotal Shaamo

Saddexda December 2009 waxay ahayd maalintii hotel-ka Shaamo ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay wasiirradii dowladda, shacabka, wariyeyaasha iyo Ardaydii qalin-jebiyeyaashii kulliyadda caafimaadka Banaadir.

Marnaba kama go’ayso maskaxda shacabka maalintan iyo maalmaha kale ee la xasuuqay shacabka aan wax galabsan ee Soomaaliyeed.

Qaraxaas waxa uu gallaaftay nolosha 4 wasiir oo kala ahaa wasiirkii tacliinta sare, wasiirkii waxbarashada, dhallinyarada iyo cayaaraha iyo caafimaadka.

Sidoo kale, saddex wariye, bare jaamacadeed oo caan ahaa, arday caafimaadka ka qalin-jebisay, waalidiin iyo shacab kale ayaa ku geeriyooday goobta, iyadoo dad badan ay xubno muhiim ah oo jirkooda ka tirsan ay ku waayeen.

INaali Laahi wa Inaa Eleyhi Raaji Cuun!!!.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.