Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena kamid ah wafdi Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka carabta oo gaaray Gaza ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha uu soo arkay halkaasi.
Xildhibaan Dalxa ayaa wuxuu sheegay in markii ay gaareen magaalada Ghaza ay la kulmeen dhacdooyin naxdin leh oo ku aadan sida shacabka reer Falastiin gumaadka xoogan loogu hayo.
Maalintii ugu horeysay ee safarkooda ay ku tageen dhulka Ghaza ayaa wuxuu sheegay in halkaasi ay ka socdeen duqeyn xoogan oo lagu garaacaye shacabka Falastiin,halkaasina ay ku geeriyoodeen qoys gaarayaa ilaa 11-ruux hal meel wada dagan.
Salaada Janaasada qoyskaasi isku meel kuwada geeriyooday ayuu sheegay inay wax kaga dukadeen isaga oo aad uga naxay falkaasi ka dhacay Ghaza.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in wafdiga Xildhibaanada Baarlamanada carabta ee uu kamidka ahaa ayaa waxa ay soo indha indheeyeen meelo badan oo kamid ah Ghaza shacab badan oo reer Falastiin ah misna dhibaateeysan ay lasoo kulmeen.
Shalay ayuu soo gaaray Magaalad Muqdisho Xildhibaan Dalxa kadib markii uu usoo dhamaaday socdaalkii uu ku tagay Ghaza.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.