Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi gaaray maanta wafdi ka socda Dowladda Jabuuti.
Wafdigaan oo uu horkacayo wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, Taliyaha hay’adda Nabadsugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale.
Inkastoo aan si dhab ah loo shaacin ujeedka wafdigaan ay u tageen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan ayaa hadana waxa ay booqanayaan xarumaha ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.
Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay,iyadoo wafdiga loo kaxeeyay Xerada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaale oo ah duleedka Magaalada Beladweyne.
Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti ayaa halkaasi kulan kula leh masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan oo ay kawada hadlayaan arimaha dhanka Gaashaandhiga iyo howlgalka ciidanka Jabuuti.
Dowladda Dalka Jabuuti waxa Soomaaliya ka joogo ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo iminka ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.