Wasiirka Arrimada dibadda ee Soomaaliya oo amar culus duldhigtay safiiradaha Soomaaliya ee caalamka

xeydar December 2, 2012 Comments Off
Wasiirka Arrimada dibadda ee Soomaaliya oo amar culus duldhigtay safiiradaha Soomaaliya ee caalamka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa todobaadkii hore bilowday howlgal ballaaran oo dib loogu habeynayo laguna dardar gelinayo waxqabadka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka Caalamka.

 

Dhammaan safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka caalamka ayaa loo gudbiyay qoraal ku saabsan in ay warbixin buuxda ka soo bixiyaan howlaha ay qabtaan, ilaha ay lacagaha ka helaan, waxa ay ku qabtaan lacagahaas ay helaan iyo waliba in ay soo gudbiyaan xisaab celin ku aaddan dhaqaalihii soo galay.

Waxa kale oo ay wasiirraddu ku amartay safiirada, qunsulada, xoghayayaasha iyo dhammaan shaqaalaha safaaradaha in ay muddo 48 saacadood ah ku soo gudbiyaan CV-yadooda, iyadoo xilligii loo qabtay uu ku ekaa maalinitii Arbacada oo taariikhdu ahayd 28-kii November 2012.

 

Waxaa la ogsoon yahay in safiirrada Soomaaliya qaar ka mid ah aysanba qaban wax howl safaaradeed ah, kuwaasoo si shakhsiyan ah ugu shaqeysta magaca Safaaradda, iyagoo qaar kalana ay ku xiran yihiin dowladaha ay dalkooda fadhiyaan halka kuwo kalana ay gacanta ugu jiraan rag ganacsato ah oo aanba aqoonsaneyn jiritaanka dowladda Soomaaliya, halka kuwo kalana ay ku mashquulsan yihiin iibinta fiisooyinka lagu soo qaado magaca dowladda Soomaaliya, kuwo kalena ayba kireysteen safaaradihii, dhaqaalihiina ay jeebabka ku shubteen.

Howlgalkan cusub ee ay ku dhaqaaqday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo muddo 22 sano ah kadib dib loogu saxayo waxqabadka safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka Caalamka oo waxqabadkoodu uu yahay mid aad u liita .

 

Safaaradaha Soomaaliya ee caalamka waa muraayadda laga daawanayo dowladnimada Soomaaliya, sidaasi darteed waa in dadka loo magacaabayo ay noqdaan kuwo lagu soo xulay Aqoon, Karti iyo waayo aragnimo, halka ay badi safiirada maanta booska ku joogaan qabiil iyo habka loo yaqaan 4.5 kaas oo hoos u dhigay tayeynta iyo horumarinta howlaha muhiimka ee dowladda Soomaaliya.

 

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa howlgalkaan cusub ee ay bilowday Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wax weyn ka badali doonta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna Wasiirada Marwo Fowsiyo u soo jeediyeen in ay isbadal ballaaran ay ku sameyso dhammaan safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala dalalka caalamka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.