Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sii jeeda dalka Uganda(Qorshe culus oo uu u aadayo)

xeydar December 2, 2012 Comments Off
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sii jeeda dalka Uganda(Qorshe culus oo uu u aadayo)

Warar aanu ka helnay ilo si aad ah ugu dhow madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu maalmaha soo socda gaari doono magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala si uu halkaas kulan ugula yeesho Sheekh Shariif.

 

Tarsan ayaa la sheegayaa in maalmihii ugu dambeeyay uu shaki weyn ka qabay in laga qaadi doono xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho, arrintaasna uu kala hadlo Sheekh Shariif si uu uga raadiyo xal ah inuu madaxda dowladda kala hadlo arrintaas looguna daayo xilkaas.

 

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaala sheegayaa inuu bilaabay wadatashi uu la yeelanayo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir si uu xog ogaal ugu noqdo howlaha ka socda degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna Guddoomiyayaasha Degmooyinka u sheegay inay dhexdooda iska soo doortaan hal qof oo lacagta loogu dhiibo taas oo si cad u muujinaysa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kalsoondii lagala laabtay, maadaama uu waqtigiisii sii dhamaanayo, lana filayo in mar dhow xilka laga xayuubiyo.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka mid ah xubno si aad ah ugu dhawaa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna xilka ku hayay taageero xoog leh oo uu ka heystay Sheekh Shariif oo ay ka wada tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga iyo waliba Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya oo xaruntiisu aheyd magaalada Asmara ee dalka Eretria, haatana wuxuu magaalada Kampala ee dalka Uganda u imaanayaa isagoo doonaya in uu Sheekh Shariif ka codsado in uu kala hadlo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Professor Xasan Sheekh Maxamuud si loogu daayo xilkiisa oo uu sheegay in uu halgan dheer u soo galay.

 

Afar musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir kuwaas oo dhamaantood ay isku beel ka soo wada jeedaan Tarsan, waxaana la sheegayaa in labo musharax oo aad u cad cad midkood dhawaan loo magacaabi doono xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho.

 

Tarsan ayaa intuu madaxda ka ahaa Gobolka Banaadir waxa uu muujiyay waxqabad aad u ballaaran, inkastoo madaxda degmooyinka qaarkood ay ku tilmaameen nin kali-talis ah oo aan dhageysan fikradaha dadka la shaqeeya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.