Guddiga xulista Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan tiro ku dhow 230-mudane oo baaristooda la dhameeyay, wuxuuna Guddigu sheegay in Xildhibaanadan ay fadhigooda ugu horeeya yeelanayaan maanta oo Isniin ah.
Guddiga ayaa sheegay inay socoto qeybinta warqadaha aqoonsiga ah ee la siinayo xildhibaanada cusub, kuwaas oo qeyb ka mid shalay iyo xalay la siiyey warqadihii aqoonsiga Xildhibaanimo, waxaana Guddiga farsamadu uu intaasi ku daray kulanka ugu horeeya ay go’aamin doonaan xilliga ay dhacayaan doorashooyinka afhayeenka Baarlamaanka ku xigeenadiisa iyo Madaxweynaha dalka.
Xubno ka tirsan Guddiga farsamada ayaa sheegay in Xildhibaanka ugu da’da weyn ee illaa hadda ay hayaan uu yahya 72-sano jir, kaas oo shir gudoomin doona fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka, xilkaasina uu heyn doona illa iyo inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub, kaas oo isna la wareegidoona wixii markaasi ka dambeeya howsha hogaminta Baarlamaanka soo socda, isla markaasna qabanqabi doona doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha cusub.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo noqonaya kii ugu horeeyay oo rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo 1991-kii oo la riday Xukuumaddii dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa la ogeyn waxa uu ka duwanaan doono Baarlamaannadii KMG ahaa ee dalka soo maray oo aan inta badan lagala tashan jirin meelmarinta sharciyada dalka, isla markaasna ku caan baxay isqabqabsi iyo mooshino iska soo horjeeda, iyagoo la kala safan jiray xubnaha sarsare ee dowladda markaasi jirta.
Xildhibaanada Baarlamaankan ayaa waxay ku yimaadeen nidaamka 4.5-ka ah,iyagoo shaqeyn doona afarta sano ee soo socota, waxaana sida ay ku heshiiyeen saxiixayaasha Road map-ka uu noqon doonaa Baarlamaankan cusub kii ugu dambeeyey ee ku yimaada nidaamka 4.5 wixii isaga ka dambeeyana ay noqon doonaan kuwo la soo doorto, inkastoo la sheegay inay wax waliba ku xirnaan doonaan ammaanka.
Dhinaca kale xilliga dowladda KMG ee hadda jirta ayaa maanta ku eg, waxaana la sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay xilka dowaldda KMG ku heyn doonaan qaab ku simonimo, mana yeelan doonaan saxiixo iyo awood magacaabis midna.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.