Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’muud ayaa Goordhow ku soo dagay Garoonka Diyaarahada Ee Aadan Cadde Airpor ka Isaga uu Hogaaminayey Wafdi Kuwaas oo Safaro dhowr ah ku soo kala bixiyay waddamo ku yaal geeska Africa.
Wafdiga uu madaxweynaha Soomaaliya horkacaayay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisal wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Maxamuud Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faaarx Shirdoon Saacid.
Madaxweynha Soomaaliya iyo Wafdiga uu Horkacayey ayaa Haatan ku Sugan Qolka VIP-da ee Garoonka diyaaradaha Muqidsho.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay ka soolaabteyn waddamada Ethiopia iyo Djibouti kadib markii ay Casuumaad ka heleen halkaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.