Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaadeen iney isku raaceyn in siwanaagsan lootayeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya.
waxayna intaa raaciyen hadalkoodii in taas ay Golaha wasiirada kaga golleeyihiin sidii ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed Cadaalad gaar ahaan kuwa ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Xukumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu tilmaamay in golaha wasiirada ay isku raaceyn in la hormariyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya si ay dadka u helaan Abuukaate u dooda.
Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadaleen xilli ay haatan xabsiyada ay maamusho Dowlada Soomaaliya ayna ku jiraan Dad Badan kuwaas oo ku eedeesan Dambiyo kala duwan Gaar ahaan Xabsiga Dhexe ee Xamar.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.