DEGMADA BALAD XAAWO OO DAGAALO CULUS KA DHACAY MARKALE…

jiinka November 29, 2012 Comments Off
DEGMADA BALAD XAAWO OO DAGAALO CULUS KA DHACAY MARKALE…

Dagaal ka dhacay duleedka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi.
Muddo saacado ayuu dagaalka socday waxaana la sheegay inay ku dhinteen laba ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.

Halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, iyadoo dagaalku uu si iskiis ah u joogsaday.

 

Al-shabaab oo isku urursanayay duleedka degmada ayey ciidanka dowladdu weerar ku qaadeen wayna kala eryeen,

Xaaladda degmada ayaa yar degtay ayuu yiri Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladda ay ku suganyihiin goobihii lagu dagaalamay.

Inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha ka dhashay dagaalka,

 

Balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen maydadka labo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay,
Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaalka oo xooganaa uu khasaare intaasi ka badan ka dhashay.
Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab oo iyagana ka hadlay dagaalka ayey sheegteen inay guul ka gaareen.

Waxayna sheegeen in ciidamadoodu ay markale qarka u saarmeen inay la wareegaan magaalada ayna ciidamada dowladda ka riixeen halkii ay fadhiyeen,

Ka dibna markii ay gaareen hadaf koodana ay dib ugu laabteen fariisimadoodii.
Dagaalkii shalay ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay degmadaas muddo kooban la wareegeen xoogagga Al-shabaab ka dib markii ay weerar ku qaadeen,
waxaana degmadan oo xadka Kenya iyo Soomaaliya ku taala ay dhowr jeer kala qabsaday dhinacyada dagaalamaya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.