WAR DEG DEG AH MAGAALADA MARKA OO QARAX KA DHACAY & CIIDAMADA DOWLADA AY HALKAASI KA WADAAN HOWLGALO…

jiinka November 29, 2012 Comments Off
WAR DEG DEG AH MAGAALADA MARKA OO QARAX KA DHACAY & CIIDAMADA DOWLADA AY HALKAASI KA WADAAN HOWLGALO…

Qaraxa maanta ka dhacay magaalada marka ayaa wuxuu ahaa Bambada Nuca Gacanta laga Tuura ayaa Waxaa lala Eegtay Saldhiga Ciidamada Dowlada ay ku leyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Ma jiraan wax Qasaaro ah Marka laga reebo burbur uu u geestay Saldhiga Ciidamada Maamulkaasi uu ku leeyahay Dagmada Marka.

Gudoomiyaha Dagmada Marka Oo Qaraxa kadib Sheegay inay ku daba jogaan Kooxihii Qaraxaasi ka dambeyey oo uu Sheegay Gudoomiyuhu inay Isaga baxsaden Goobta.

Baaritaano ayaa haatan socda sida uu Sheegay Gudoomiyaha Dagmada Marka.

 

Dhinaca kale Saraakiil Katirsan Ciiidamada Malatariga Soomaaliya ayaa Gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ay Ujeedadoodu aheyd inay Qadaan Isbaarooyin yaalay Dagmooyinka Gobolkaasi.

 

Iyaga oo ku guuleystay inay Qadaan Isbaarooyin yaalay Dagmooyinka Gobolkaasi uu ka koobanyahay.

 

Waxaana Ugu Dambeyn Wafdiga ay gareen Magaalada Marka Si ay u dhameyan Qilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo Maamulka Magaladaasi iyo Ciidamo militariga ah oo ku sugan Magaaladaasi Waxaana Gudoomiyaha magaalada marka uu Sheegay in la dhameyey Qilaafkaasi.

Shalay ayey aheyd Markii dagaal Qasaaro Sababay oo u dhaxeeyey Ciidamada Militariga iyo Ciidamo kale oo taabacsan Maamulka Magaaladaasi.

 

 

cumar c/rshiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.