CIYAARTOOYDA DALKA SUUDAAN OO KA BADISAY KOOXDA CIYAARTOOYDA SOOMAALIYA

jiinka November 29, 2012 Comments Off
CIYAARTOOYDA DALKA SUUDAAN OO KA BADISAY KOOXDA CIYAARTOOYDA SOOMAALIYA

Ciyaar aad uxiiso badan oo u dhaxeysay xulka dalkeena Soomaaliya iyo dalka Suudaan ayaa waxa ay kusoo idlaatay jawigii loogu talo galay.
Qeybaha hore ee ciyaarta ayaa waxa ay ku bilaabatay weerar Soomaaliya ay ku qaadeen ciyaaryahanada dalka Suudaan iyaga oo dhowr mar qalqalgeliyay shabaqa ciyaar yaahnada dalkaasi Suudaan.

 

Ciyaarta ayaa aheyd mid xasaasi badan islamarkaana qeybihii dambe ee ciyaarta dib la isugu soo noqday ayaa waxaa gool Soomaaliya ka dhaliye mid kamid ah ciyaaryahanada dalka Suudaan oo shabaqa Soomaaliya ku hubsaday Gool.

 

gaba gabadii ciyaarta waxay ku soo dhamaatay si dagen waxaana xulka soomaaliya loogu badiyey 1-0 taasi ay guusha raacday kooxda dalka suudaan.

Ciyaartooyda dalkeena Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku aadan hanaanka ay ciyaarto u socotay.

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.