Munaasabada ciidal Fitrga awgeed ayaa maxaabiis ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho shalay laga siidaayey ka dib markii uu cafis u fidiyey Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Maxaabiistan ayaa waxaa saaka loo sheegay inay yihiin xor laga bilaabo shalay oo ciid aheyd, waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad weyn iyagoo soo dhaweeyay cafiska loo fidiyey., dadkii goobtaasika hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Caddaalada iyo garsoorka Ugaas Axmed Bile oo u sheegay maxaabiista inay dalkooda si daacad ah ugu shaqeeyaan, wuxuuna kula dardaarmay inay dhibkii lagu soo xiray faraha kala baxaan.
Maxaabiista la sii daayey ayaa waxay u badnaayeen dhalinyaro galay dembiyo yaryar, waxaana la sheegay in dhalinyaradaasi badankood ay ahaayeen rag ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen dagaalyahaneeda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.