Wafdi ballaaran oo Turki ah oo isugu jira Ganacsato iyo Injineero ayaa saaka soo gaaray xafiiska Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska uu ku leeyahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Markii ay soo gaareen Xafiiska wasaaradda wafdigaan uu hogaaminayay H.Muzaffer ERMIS oo ah Maamulaha guud (Genaral Manager) ee shirkada Ganacsiga Alport dalka Turki ayaa waxay kulan la qaateen Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmoy iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Wafdiga Turkiga ayaa ugu horentii ka hadlay ujeeddada socdaalkooda soona bandhigay Document-tiyo ay ku qoran yihiin wax qabadkooda iyo dalalka ay ka soo shaqeeyeen waxayna codsadeen in gacan lagu siiyo dib u dhiska dalka Soomaaliya .
“Xubnaha wafdigan waxay isugu jiraan ganacsato, injineerro iyo saraakiil ka socda wasaaradaha dalka Turkey, waxayna u gudogalayaan sida ugu habboon ee dib-u-dhis loogu sameyn karo Muqdisho,” ayuu yiri Engin HARBUTOGLU oo ah Operation Chief shirkada Alport.
Ugu dambeeyntii Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa u sheegay wafdiga Turkiga in ay diyaar u yihiin gacan siinta iyo dib u dhiska dalka iyadoona wasiir Muxyadiin Maxamed Kaalmoy uu uga mahadceliyey wafdi iyo madaxda shirkada Ganacsatada ee Alport taageerada iyo Maalgashiga ay ku sameynayaan dalka Soomaaliya.
” waxaan soo dhaweyneyaa mar walba cidii dib inoogu dhisayso bur burkii naga soo gaaray dagaaladii sokeeye, dalkeena waxa uu u baahan yahay in dib u dhis tayo leh ee ku soo dhawaada Muqdisho Somaliya ” sidaana waxaa yiri Wasiir Kaalmooy.
Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xiriirka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale gaar ahaan Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.