Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadem Oo Heshiis Hordhac Ah Kala Saxiixatay Dowladda Dalka Kenya…..

jiinka November 28, 2012 Comments Off
Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadem Oo Heshiis Hordhac Ah Kala Saxiixatay Dowladda Dalka Kenya…..

Waxaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuussuf Xaaji Aadan iyo dhigeeda dalka Kenya Prof. Samson Ongeri.

 

Kaasi oo looga wadahadalay xiirirrka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas.

Waxaana la sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay u gudbisay dhigeeda Kenya dhambaal ay kawaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuna socday Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay xoojinta howlaha nabad ilaalinta ee AMISOM iyo sidoo kale sidii ay Kenya uga caawin laheyd Soomaaliya kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee dhinaca maamulka iyo maareynta ee Hay’adaha dowladda.

 

Waxaana kulanka oo dheeraa saacadana qaatay wax yaabihii la isku afgartay warbaahinta u akhriyey Prof. Sam Ongeri wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya..

Kaas oo sheegay in labada dal ay si dhakhso ah u soo nooleynayaan Guddi gaar ah oo ka shaqeynaya xiriirka iyo iskaashiga labada dal sida uu yiri.
Sam Ongeri waxaa kale oo uu sheegay in Kenya ay Soomaaliya ka caawineyso dhinacyada tababarka iyo kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee ka shaqeynaya qeybaha kala duwan ee Hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Isla markaasna ay wada shaqeyn buuxda siinayaan dhammaan ururada ka shaqeynaya dhinaca horumarinta Soomaaliya.
Labada wasiir waxay isla garteen in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo Guddi khuburo ah kuwaasi oo ka soo shaqeeya sidii dib loogu soo qaabeyn lahaa.

Qaab dhismeedka iyo shaqada Guddi oo ka shaqeeya danaha labada waddan ayuu yiri.

wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya.
Guddigan oo horey u jiray ayaa la sameeyay bishii September sanadkii 2006-dii, si sare loogu qaado xiriirka iyo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

isla markaana loo xoojiyo xiriirka labada dowladood,

Si loo dhiiri geliyo dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Dhinaca kale Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale la kulantay shalay Ra’isul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga kaas oo ku qaabilay xafiiskiisa.

waxayna labada dhinac ka wadahadleen isbedeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya,

xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa hanaanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ay kawadaan Soomaaliya kaas oo dalka Kenya uu qeyb ka yahay.

 
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kulamadaasi ka dib ayey sheegtay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu booqasho rasmi ah ku iman doono dalka Kenya.

Waxayna intaasi ku dartay in dowladda Kenya ay kawada hadleen arimo xasaasi ah.

Kuwaas oo aysan si rasmi ah u shaacin.

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.