WAR DEG DEG AH ISBAAROOYIN LACAGO BAAD AH LAGU QAADAN JIRAY WADOOYINKA MUQDISHO OO MAANTA LAGA QAADAY…

jiinka November 28, 2012 Comments Off
WAR DEG DEG AH ISBAAROOYIN LACAGO BAAD AH LAGU QAADAN JIRAY WADOOYINKA MUQDISHO OO MAANTA LAGA QAADAY…

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay inay todoba isbaaro ka qaadaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu qabteen kooxihii isbaarooyinka ay u yaaleen degmooyinkaasi iyo dabley kale.

 

Howgalkan uu hogaaminayay taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir.

Ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yaalay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaala,

kuwaas oo labo maalin ku darsaday waqtigii uu horay u amray Madaxweynaha Soomaaliya.

 

“Waxaan ku guuleysannay inaan qaadno todoba isbaaro,
waxaana sidoo kale ku qabanay howl galka kooxihii ay isbaarooyinkaas u yaaleen iyo kooxo kale oo hub ku sitay magaalada.

kuwaas oo ay ku jiraan xubno Al-shabaab ka tirsan” ayuu yiri ka dib isagoo aan sheegin qaabka lagu kala saaray raggan laqabqabtay.

 

“Dad kala duwan ayaa gacan nagu siiyey inaan isbaarooyinka qaadno,
sidoo kalena aan helno hub ay Al-shabaab qabsadeen, waxaana shacabka ku boorrinaynaa inay sii wadaan gacanta ay siinayaan ciidamada ammaanka”.

Sarkaalkan heysta nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in howgaladan ay yihiin kuwo magaalada looga sifeynayo isbaarooyinka iyo in gaadiidka lacago sharci-darro ah laga qaado.

 

Howgalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyey inaysan jiri karin isbaaro lacago lagu qaado oo dhextaala magaalada,

Isagoo sheegay in sidoo kale la joojiyay lacagihii ay qaadi jireen maamulka gobolka iyo wasaaradda maaliyadda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.