Deegaanka Shalambood ee Gobolka Sh.hoose ayaa xalay saqdii dhexe ay ka dhaceyn dagaalo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo sida la sheegey ka tirsan Ururka Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeyn fadhiisimo ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Duleedka deegaanka Shalambood ee Gobolka Sh.Hoose.
Dagaalka ayaa sida la sheegey waxa uu geestey qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana inta la ogyahay Dagaalkaasi ku geeryootey in ka badan 10 Ruux oo isugu jira dhinacayadii uu dagaalka u dhaxeeyey tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeyn .
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolkaasi oo ku aadan Weerarkii ay xalay ku soo qaadeyn kooxo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab sidoo kale wax war ah kama soo bixin dhanka ururka Alshabaab oo ku aadanaa Dagaaladii xalay ka dhacay Duleedka Deegaanka Shalambood .
Deegaanka shalambood ee ay dagaalada xalay ka dhacayn saaka ay xaaladu tahay mid degan mana jirto saansaan colaadeed oo saaka ka jirta deegaanka Shalambood.
Gobolka Sh.Hoose oo intiisa badan gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom ayaa waxaa ku soo laalaabtey weerarada gaadmada ah oo ay soo qaadaan ururka alshabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.