Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya uqaabilsan.
Wafdiga uu hogaaminayo safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Michel Carves Deurso ayaa waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa markii uu soo dhamaday si wadajir ah saxaafada warbixin uga siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu horeyn saxaafada la hadlay kaasi oo sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen safiirka ay kamid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ammaanka dhaqaalaha.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu maanta la qaatay wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Wuxuu sheegay in intii uu socday kulanka la isku soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii Dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dhanka dhaqaalaha.
Midowga Yurub ayaa marwaliba muujiya taageerada ay u hayaan Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya iyadoo dhowr mar uu Muqdisho soo gaaray safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.