War Deg Deg Ah Wafdi Uu Hogaaminya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti.

jiinka November 26, 2012 Comments Off
War Deg Deg Ah Wafdi Uu Hogaaminya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti.

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambaxay Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cade iyagoona ku sii jeeda Caasimada Jabuuti Ee Dalka jabuuti.

 

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka heley dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxaana sii sagootiyey Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed sheikh cusman Jawaari.

 

Madaweynaha ayaa la filayaa inuu kulan la qaato dhigiisa dalka jabuuti waxaana la filayaa iney ka wada hadlaan arimo quseeya labada Dal.

 

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.