Midowga Yurub ayaa sheegay inuu, wixii hadda ka dambeeya, si toos ah xariir ula yeelan doono dowladda Soomaaliya si ka duwan habkii hore uu ulaxariiri jiray.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in dhammaan howlqabadyada Midowga Yurub oo ay ku jiraan gargaarka,
taageerada dhinaca siyaasada iyo dib u dhiska Soomaaliya, hadda kaddib,si toos ah looga maamuli doono gudaha Soomaaliya maadaama dowlad rasmi ah la helay.
isagoona sidoo kale sheegay in xariirkan tooska ah ay kala jeedaan sidii si gacan saar ah u caabin lahaayeen dowlada Soomaaliya iyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay saraakiisha Midowga Yurub 30-boqolkiiba waqtigooda ku qaadan doonaan Soomaaliya taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu taageerayo Soomaaliya,
isagoo intaas ku daray in dhammaan daqliga loogu talagalay Soomaaliya la marsiin doono Guddiga isku dhafka ah ee Maaraynta Maaliyadda.
siloo ogaado buuyiri dhaqaalaha ku baxa dhinacyada kala duwan ee xaga bini-adanimada.
Midowga Yurub ayaa ugu danbeyntii waxa ay balan qaaday inay xoojindoonto taageerida Soomaaliya iyo xakuumada intuba.waxa ay sheegtay in si gaar ah kaga taageeri doonto xakuumada Soomaaliya,xaga caafimaadka,waxbarashada,xaga bini-adanimada.
sidoo kale waxaa maalinta talaadada ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu booqosho ku soo gaaray Madaxa midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya,
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.