Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Kuwa Amisom Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Jowhar…

jiinka November 25, 2012 Comments Off
Ciidamada Dowladda Soomaaliya  & Kuwa  Amisom Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Jowhar…

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta SH/Dhexe ayaa waxa ay xaqiijinayaan in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan iyo Abaabul Dagaal oo ay sameenayaan Ciidamo ka Tirsan Dowlada Fedraalka  Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Amisom.

 

Wadada Dheer ee isku Xirta Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe iyo xarunta Gobolkaasi ee Jowhar ayaa waxaa lagu arkaya Ciidamo Fara Badan o ay u idil Yihiin Gaadiidkooda Dagaalka kuwaasi oo u Jeedadoodu uu yahay in ay Al-Shabaab ka Saaraan Gacan ku heynta Magaalada Jowhar.

 

Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Dad Fara Badan ay isaga Huleeleen Magaaladaasi kuwaasi oo ku sii jeeda Tuulooyinka ku Teedsan Magaalada Jowhar ka dib markii ay soo Wajahdey Cabsi ay ka qabaan in Dagaalo Culus uu k dhaco Magaalada Jowhar.

 

Cumar c/rashiid

cumarrrashid@gmail.com

Comments are closed.