Turkiga Oo Dayactir Ka Kala Wada Wadooyinka Muqdisho

jiinka November 25, 2012 Comments Off
Turkiga Oo Dayactir Ka Kala Wada Wadooyinka Muqdisho

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dayactir xoogan waxaana dhismahaas uu yahay mid lagu mataaneynayo Muqdisho iyo Istanbuul.

Wadoonyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Burbur aad u xoogan iyagoo aan wax dayactir ah helin wixii ka dambeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 marka laga reebo maamulka gobalka Banaadir oo mudooniyinka  dayactir ka waday wadada Maka Al Mukarama.

 

wadada Maka Al Mukarama waa wadada ugu Mashquulka Badan magaalada Muqdisho waa waddo istiraatiiji ah oo isku xirta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Aadan Cadde.

Maanta rajadu waa ay ka wanagsantahay sidii hore waxaa haatan dalka ku sugan shirkado iyo wadamo daneynaya in ay ka qeybqaataan dib u dhiska wadooyinka caasimadda Muqdisho iyagoo u baratamaya sidii mid walba uu ugu guuleysanlahaa mashruucyo uu u bandhigay gudoomiyaha gobalka Banaadir.

 

Mashaariicda qaar iminka si toos ah ayey uga bilawdeen magaalada Muqdisho gaar ahaana dagmooyinka Shangaani C/casiis iyo Wadajir.

 

Guddoomiyaha dagmada Wadajir Axmada Xasan Caddoow {Axmad Daaci}   ayaa sheegay in mashruuca mataaneynta Muqdisho iyo Istanbuul ay si wadajir ah uga socdaan qaar ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir.

 

 cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.