Qarax xoogan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay gudaha xarunta maamulka magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.
qaraxaas ayaa waxa uu gilgilay gudaha xarunta maamulka ee magaaladaas xilli la sheegay in ay ku sugnaayeen mas’uuliyin ka tirsan maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyinta la sheegay iney ku jireen xarunta markii uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa ka mid ahaay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka KMG ah ee degmada Kismaayo oo magaciisa lagu soo gaabiyey Gacma-dheere, ku-xigeenka xoghayaha arrimaha bulshada ee maamulkaas Maxamed Xasan Dhagaxey iyo mas’uuliyiin kale.
Wararku waxa ay sheegayaan in mar qura laga war helay dhawaqa qaraxaas oo muddo kadib isu rogay uuro iyo qaac madow.
ilaa iyo haddana lama oga nooca qaraxaasi uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay intaba.
Ciidamada dowlada iyo kuwa jabhada Raaskambooni ayaa isku gadaamay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inay xireen waddooyinka gala xaruntaas.
Ciidamadaas oo howlgal ka sameeyay halkaas ayaa waxay ridayaan rasaas aan la ogeyn cidda ay la beegsanayaan, mana jirto cid ay falkaas u soo qabqabteen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.