Dhaqaaq iyo xiisad dagaal ayaa saakay waxaa laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo maalintii shalay uu ka dhacay dagaal Saacado badan qaatay oo midba mar uu la wareegay degmada Beled-Xaawo.
Wararka laga helayo Saakay Degmadaas ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalad deganaansho ah ay ka jirto laakiin lama sheegi karo wax dhici doona waqriyada soo aadan.
Beled-Xaawo ayaa maalintii shalay waxaa ay marti gelisay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa jiiray difaacyada Ciidamada Dowlada waxaana ay la wareegeen Degmada Muhiimka ah hasa ahatee Mudo Kooban kadib ayey isaga baxeen waxaana ku noqday Ciidamada Dowlada.
Gurmad Badan ayaa Ciidanka Dowlada waxaa ay ugu imaanayeen Degmada Doolow.
Kuwaas oo Saakay ku sii qul qulaya Degamada Beled-Xaawo.
Dagaal kaas ee Labada dhinac ayaa Guula ka kala Sheegtay.
AL-Shabaab ayaa tilmaamay in u jeedkii ay u qabsadeeb Beled-Xaawo ay Gaareeb kadib markii ay Dileen Dad Dowlada ay kuTuhmeen halka Dowlada ay Sheegayso in Sedex & Taban Qof Meyd Kooda ay Al-Shabaab ugu Cara Careen.
Cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.