SHIR LOOGA HADLAY HORMARINTA TIKNOOLOJIYADA & SAYNISKA OO SOOMAALIYANA AY KA QEYB GASHAY…

jiinka November 24, 2012 Comments Off
SHIR LOOGA HADLAY HORMARINTA TIKNOOLOJIYADA & SAYNISKA OO SOOMAALIYANA AY KA QEYB GASHAY…

kulan ballaaran oo looga hadlayo qaabkii lagu hormarin lahaa jaamacadaha dunnida Muslimka dhinaca tiknoolojiyada iyo sayniska.

Waa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan wasiirrada tacliinta sare ee dowladaha dunnida Islaamka, oo markan ay dowladda Suudaan marti galisay.

Wuxuuna  shirka  ka dhacay Khartuum.

 

Wasaaradda arrimaha bulshada qaybta waxbarashada ee Soomaaliya ayaa shirkaas ka qayb gashay waxaa shirka Soomaaliya uga qayb galay Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ah madaxa tacliinta sare iyo daraasaadka dibadda iyo Cali Sh. Xaamud oo ah madaxa waaxda imtixaanaadka iyo kormeerka.

 

In  shirkaani  Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto, wuxuuna tilmaamay inaysan Soomaaliya horey uga qayb galin shirarkii noocaan oo kale ee kan ka horeeyey.

 

Madaxa kormeerka imtixaanaadka Cali Sh. Xaamud ayaa isaguna tilmaamay inay la kulmeen ilaa shan wasiirro ka socday dalkak Ciraaq, Suudaan, Uganda, Turky iyo Kuwait iyo wasiiro kale oo shirka kasoo qayb galay.

 

Shirkan waxaa la qabtaa labadii sanaba mar,

waxaana markan loo doortay inuu hogaamiyo wasiirka tacliinta sare ee dalka Suudaan.

 

Shir weyne ay kasoo qayb galeen 52-dowladood oo dunnida muslimka kamid ah ayaa kasoo qayb galeen.

 

kulan ballaaran oo looga hadlayo qaabkii lagu hormarin lahaa jaamacadaha dunnida Muslimka dhinaca tiknoolojiyada iyo sayniska.

 

Waa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan wasiirrada tacliinta sare ee dowladaha dunnida Islaamka, oo markan ay dowladda Suudaan marti galisay.

 

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.